Soomaaliya Oo La Sheegay Inay u Baahan Tahay Madaxweyne Dhagool Ah!

42

Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelle ayaa ku taliyey in dalka madaxweyne looga dhigo nin Dhagool ah, taasi oo uu ku sheegay in wax badan ay hagaagi doonaan.

Salaad Cali ayaa hadalkaan ku micneeyey in dalkaan qofka la doonayo inuu wax qabto loo baahan yahay inuu ka dhego la’aado wax badan oo jira, islamarkaana u muuqdaan kaliya in wax la qabto.

“Hadee Soomaaaliya sidaan haddii ay kusii socoto cid aan Dhagool ahayn madaxweyne ma noqon karto,  dhagoolaha wuxuu arko maahee wax kale maba qabanayo, laakiinse nin dhago leh intuu mashquulka ku yahay dhageysiga wax aan jirin ayuuba mashquulayaa, ninka dhagoolka ah wey ku adag tahay in musuq  degdeg lagu fahamsiiyo” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Dalka ayaa xilligaan wuxuu galayaa doorasho, waxaana u tartamaya siyaasiyiin badan, balse shacabka Soomaaliyeed ayaa dhowraya in dowladda soo socoto ay noqoto tii dalka kor u kicin lahayd ama mid ka daran kuwa hadda jira.

Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)

You might also like More from author

Comments are closed.