Daawo: Marwada 1-aad Dalka oo casho u sameysay qoyska General Samatar

39

Muqdisho(INO)- Marwada 1-aad Dalka, Qamar Cali Cumar, ayaa kulan casho ah u sameysay qoyskii uu ka baxay General Maxamed Cali Samatar, oo 20-kii bishii hore ee August ku geeriyooday wadanka Mareykanka.

Marwada 1-aad Dalka, ayaa markale kaga tacsiyadeysay geeridii naxdinta ee ku timid Madaxweyne Ku Xigeenkii hore Somaliya ahaana Wasiirkii Gaashaandhiga.

General Samatar, ayaa 25-kii August aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho. Aaskiisa oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Qaranka, Maamul Goboleedyada qaarkood, qoyskiisa iyo xubno kale.

Qoyska General Maxamed Cali Samatar, ayaa Marwada 1-aad iyo Madaxda Qarankaba kaga mahadceliyay abaabulka iyo doorkii muuqday ee Madaxtooyadu ku laheyd aaskiisa.

Allaha u naxariistee General Samatar, ayaa darajada ciidanimo ka gaaray Sareeye Guud, waana ninka keliya ee Soomaaliyeed oo darajadaasi ka gaaray ciidanimada.

Kulan casho Kulan casho1 Kulan casho2 Kulan casho3 Kulan casho4 Kulan casho5 Kulan casho6 Kulan casho7 Kulan casho8

You might also like More from author

Comments are closed.