Gudoomiyayaasha gudiyada Baarlamanka F.Soomaaliya oo siminaar uga socdo Nairobi

93

Gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa siminaar ku sabsan fulinta qorshe howleedka Baarlamaanka uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Siminaarkan oo magaalada Nairobi uga soconaya guddoomiyayaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamanka Federaalka Soomalaiya,  ayaa waxaa Khamiistii aynu ka soo gudubnay xariga ka jaray guddoomiyaha Baarlamanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Simaanrka ayaa ku saabsan sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Baarlamanka ama fulinta xeer hoosaadka baarlamanka oo hore xildhibaanada Baarlamanku u ansixiyeen iyo qorshayaasha baarlamanka horyaala sidii loo fulinlahaa Afarta sano ee soo socota.

Gudoomiyaha gudiga amniga Baarlamanka Soomaaliya xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in siminarka ay casharo ka bixinayaan qubaro aqoon durugsan u leh howlaha baarlamankaisla iyadoo fikrado la isku dhaafsandoono qaabka loo horgelindoono howlaha baarlamanak sanadaha soo socda.

Maalinta berito ah oo ay taariikhdiu ku beegantahay 24 ka Fedrayo ayaa lagu wadaa in siminaarkaasi lagu soo gebagebeeyo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.