Jubaland iyo UNHCR oo Heshiis KMG ah Kagaaray Soo Celinta Qaxootiga Dhadhaab

161

Kismaayo(INO)-Hayada QM u qaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR iyo dawlad goboleedka Jubaland ayaa heshiis ku meel gaar ah ka gaaray soo celinta qaxootiga Soomaalida ah ee kunool xerayaha Dhadhaab.

Heshiiskaa ayaa labada darafi ay ku kala saxiixdeen maagaalada Kismaayo ee Jubaland Soomaaliya shalay galinkii dambe. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in intii horay loo soo celiyay maahee qaxooti kale aanan la keenin Jubaland ilaa amar dambe ilaa nolol wanaagsan looga aslaaxinaayo qaxootiga lasoo celinaayo gudaha Jubaland.

Qaxootigii la celiyay oo dawlada Jubaland ay sheegtay inay weli ku dhibban yihiin meelihii la geeyay maalmihii lasoo dhaafayna ay arinkaa ka cabanaysay ayaa waxaa labada daraf haatan ay ku heshiiyeen in UNHCR ay saacido ayana.

Dad kumanaan ah oo laga celiyay Dhadhaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay mar Jubaland ay diiday in daakhilka loosoo galiyo arimahaa jira aawadood ku xiyirnaa Dhoobley oo dhacda xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Haatan waa ay aqbashay Jubaland in ay gudaha usoo dhaadhacaan bishardi in la caawiyo kuwo kale oo aan arimahooda iyo noloshooda aad looga fakarina aanan lagu soo darin!

Waxaa heshiisku ka koobnaa 3 qodob oo uu ku jiro qodob ah in heshiiskii 3 geesoodka ahaa ee Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR ee 2013 qodobadiisii lagu dhago oo lagu adkeysto si sharaf lehna loo celiyo qaxootiga oo aan halhaleel ahayn balse laga baaraan dagay.

Waxaa kaloo ay labada dhinac ku heshiiyeen in asbuucaan shir kale oo dagdag ah la qabto lagana qeybgaliyo hayadaha caalamiga ah oo UNHCR kujirto, deeqbixiyeyaasha caalamiga ah iyo dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ayadoo dawlad goboleedyada kajira dadkaa meelaha la dajinaayo sida Jubaland iyo Koofurgalbeed ay tahay inay goobjoog ka noqdaan.

Waxaa shirkaa la qorsheynaayo asbuucaan la doonayaa in looga wada hadlo daldaloolada kujira hannaanka haatan loo adeegsanaayo dib u celinta qaxootiga dabadeedna dadkaa mustaqbalkooda go’aan sax ah laga gaaro.

Sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Arimaha Dibada ee Jubaland, Maxamed Warsame Darwiish waxaa Jubaland dooneysaa inay dadkaasi helaan nolol iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah marka Soomaaliya loo celiyo sida waxbarasho, caafimaad iyo weliba shaqo abuur ayadoo Jubaland ay sheegtay inay amnigooda sugeyso lagana fogaanayo inay ku biiraan barakacayaasha.

You might also like More from author

Comments are closed.