Al-shabaab oo baahisay Haybta Ruuxii Fuliyay Weerarkii Ismaadaaminta ahaa

64

Muqdisho(INO) — Al-shabaab ayaa warbaahinta taageerta ka baahisay wareysi uu bixiyay ninkii fuliyay weerarkii is-miidamainta ahaa ee Hoteel SYL oo ku dhaw madaxtooyada lagu qaaday maalin ka hor, kaasoo sababay tiro aad u badan oo dhimasho iyo dhaawacyo ah.

Ruuxan fuyay weerarka ayaa lagu magacaabi jiray, Jaabir Cabdullaahi Diiriye, sidoo kalena waxaa loo yaqaannay Shuki, waxayna Al-shabaab sheegtay inuu u dhashay beesha Mareexaan. Iyagoo intaa ku daray in Jaabir oo kaxeynayay baabuur xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu la beegsaday Hoteelka SYL.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa Warbixinteeda ku xustay in Jaabir oo 44 jir ahaa uu ku dhashay deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo  Sannadkii 1972-kii, isla markaana uu hawlo shaqo oo kala duwan kasoo qabtay Qaybaha kala duwan ee Al-Ssabaab ka kooban tahay, isagoo ugu dambeyn ka mid ahaa guutada is-qarxinta ee Al-shabaab.

Dhanka kale, Wareysiga laga qaaday Jaabir ayuu kaga hadlay Taariikhdiisa iyo sida uu doonayo inuu weerarka uu qaadayo u fuliyo, waxaana uu ka mid noqonayaa tiro ka tirsanaa Al-shabaab oo weerarro noocan oo kale ah ka fliyay Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ayaa xilliyadii dambe baahinayay magacyada iyo Qabiilka ay u kasoo jeedaan dadka fuliya weerarrada is-qarxinta ah ee ay ka geysanayaan qaybo ka mid ah dalka, iyadoo arrintan ay tahay mid ku cusub Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Weerarkii ka dhacay Muqdisho maalin ka hor ayaa waxaa natooda ku waayay in ka badan 25-qof oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah, wuxuuna ka mid ahaa qaraxan kuwii ugu cuslaa ee Muqdisho soo mara.

You might also like More from author

Comments are closed.