AMISOM oo beenisay ciidamo ka tirsan Askartooda oo Shidaal iibinaayay in Muqdisho lagu qabtay

48

Muqdisho(INO)- Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom ayaa beeniyay in Askar ka tirsan Ciidankooda lagu qabtay Muqdisho iyaga oo iibinaya Shidaal.

War ay soo saareen  Howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya  ayaa lagu beeniyay in ciidanka Nabad suggida Somaliya ay Muqdisho ku qabteen xubno ka tirsan ciidanka Amisom oo shidaal ku iibinaayay Muqdisho.

Ciidanka Amisom ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidanka dowladda Somaliya ay Isniintii qabteen xubno ka tirsan ciidanka Amisom oo Muqdisho ku iibinaayay agab loogu tala galay ciidanka Amisom iyo sidoo kale Shidaal.

Warbaahinta qaar ee Muqdisho ayaa baahiyay wararka la xiriira in ciidamada Nabad Suggida ay qabteen labo Askari iyo gaari Amisom ay leedahay oo Shidaal lagu iibinaayay.

Maxkamada Millateriga dalka Uganda ayaa horay u xukuntay 17 Askari oo ka tirsan howlgalka Amisom, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalka Uganda kadib markii lagu helay dambi ah inay shidaal iibinaayay.

Ciidamada Amisom oo howlgal u jooga Somaliya ayaa Shidaalka iyo Saanada kale ee ciidan ee la siiyo waxaa loogu talo galay inay kula dagaalamaan Ururka Al Shabaab oo Somaliya dagaal ka wada.

You might also like More from author

Comments are closed.