Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka qaybgalay Salaadda Janaasada askartii lagu dilay qaraxii shalay

64

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa maanta ka qaybagalay salaadii Janaasada ciidmado ka tirsan ciimadda qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ku shahiiday qaraxii shalay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Allaah uga baryey inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay islamarkaana caafimaad deg deh ah siiyo dadka dhaawaca ah.

“Waxaan u tacsiyeynayaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelladdii qarabadii dadkii shacabka iyo ciidamadda isugu jiray ee ku shahiiday qaraxii cadawgu ka geystay Muqdisho , Allah ha u naxariisto inta dhimatay kuwa dhaawaca ahna Allah ha caafiyo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa yiri “Cadowga ummadda dhibaatadda la daba taagan ee sida naxariis daradda ah kula dhaqmaya, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa idin ka guuleysan doonnaa.”

Madaxweyne Xasan, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay daryeeleyso qoysaska ay ka tageen ciidamadda qaraxii shalay ku shahiiday iyaga oo difaacaya Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda islamarkaana ay bixineyso deymaha lagu leeyahay.

Janaaso Janaaso1 Janaaso2

You might also like More from author

Comments are closed.