Beesha Yantaar Oo Dowladda Soomaaliyeed Ugu Baaqday Inay Tixgeliso Rabitaankooda.

43

Baydhabo (INO) Shirweyne ay ka soo qeyb galeen, Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada, Ganacsatada, Hogaanka Dhaqanka, Dhalinyarada, Haweenka, iyo Saraakiisha Ciidanka ee Beesha yantaar ayaa ka dhacayNasiib Guest House ee magaalada baydhabo.

Shirkan oo lagu lafaguray arimaha doorashada xildhibaanada ee sanadkan 2016 ka dhici doonta maamulada jubaland iyo koonfurgalbeed, ayaa beeshu sheegtay in xubnaha ay ku leedahay baarlamaanka dowladda soomaaliya ay ka kala imaan doonaan labadani maamul oo kala ah jubaland iyo koonfur galbeed.

“Kadib markii aan arkney dad dano gaar ah wata doonayana in ay iska hor keenan beesha ayagoo si qaldan wax u wada ayaan go,aankan wada gaarnay”

Hadaba beesho waxey garwaaqsatay in ay muhiim tahay wada jirka iyo isku duubnida beesha yantaar ee degta Labada maamul,  iyadoona shirweynahaasi ay kasoo baxeen qodobada hoos ku qoran.

1 In Beesha yantaar ay si buuxda u taageersantahay ugaaska beesha ,ee  ugaas cabdirashid sheikh cabdisalan .

2 In Bulshada ku nool maamulada jubaland iyo koonfurgalbeed ay deeqi karto midnimo Guud oo aan kusaleysneen Dano gaar ah iyo Sad Bursi.

3 Beesha waxa ay si buuxda isugu raacday una taageereysantahay go aanki ay gaareen madaxda maamulada jubaland iyo koonfurgalbeed .

5 beesho waxey taageeraysaa dowladnimada soomaaliya iyo hanaanka federaalka Ee ka hanaqaadey dalka soomaaliya.

6 Beeshu waxay Dowladda Federaalka maamulada jubaland iyo koonfurgalbeed ugu baaqeysaa in ay tixgeliyaan rabitaanka beesha iyo ugaaskeeda

Ugu danbeyntii Beesha yantaar waxa ay si adag ugu baaqeysaa in ay ka shaqeeyan midnimida beesha taageraana go aanada ay soo saaren siyaasiin tooda.

You might also like More from author

Comments are closed.