Dhageyso:Maxaad ka ogtahay Qorshaha laga lahaa Qaraxii iyo Cidda ka dambeysa ?

65

Muqdisho(INO)- Iyadoo  Magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey laguna weeraray Hotelka SYL ayaa waxa soo baxaya Warar ku aadan u jeedada laga lahaa Qaraxaasi.

Siyaasiga ka faalooda Arrimaha Soomaalida Maxamud Maxamuud Caalim oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Sirta ka dambeysa qaraxa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ay tahay in lagu baajiyo Shirka IGAD ee la filayo in lagu qabto Muqdisho.

Siyaasi Caalim waxa kale oo uu sheegay in Qaraxyadan ay ka dambeyaan Dowlado Shisheeye oo dano gaara leh.

Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa Qasaaro baaxad leh geystay waxan ku dhintay ku dhowaad 30 ruux halka tiro intaas ka badana ay ku dhinteen.

You might also like More from author

Comments are closed.