War dag dag ah: Wafdigi Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo si weyn logu soo dhaweyay Garbaharey

40

Waxaa daqiiqado ka hor  Magalada Garbaharey ee Xarunta Gobolka Gedo garay  Diyaarad qaas ah oo waday Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo Maamulada Doolow,Baladxaawo,Luuq iyo Saraakil katirsan  Ciidamada Gobolka Gedo.

Wafdigaan ayaa waxaa siweyn   garoonka diyaaradaha ee Garbaharey  ugu soo dhaweyay qaybaha kala duwan ee bulshada  Garbaharey sida Ururada Hawenka  ururada dhalinyarada iyo masuliyinti Magaalada Garbaharey ku sugnaa.

Wafdigaan ayaa boqolal dadweyne ah  hada kula hadlaya Airporka Garbaharey  kadib na waxaay u gudbayaan Xarunta Maamulka Garbaharey halkaas oo kulamo ay kula yeelan doonan Masuliyintii horay  ugu sugnaa Magaalada Garbaharey.

Kulankaan ka dib  Masuliyiinta Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo  waxaay kulamo  la qadan doonan qaybaha kala duwaan ee ee Bulshada Garbaharey ayado kulamadaasiina diirada lagu sari doona so xulista Ergoyinka Magaalada Garbahareey uga qayb gali laha Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.