La Ogaaday: Maxay Ahaayeen Erayadii Uu Paul Pogba Ku Yiri Rio Ferdinand Markii Uu Ka Tagayay Manchester United ?

0

Xubiga waalida ah ee ay jamaahiirta xadreysan ee Manchester United xiliyadaan danbe ula dheceen Paul Pogba waxaa ka horeeyay ciqaabtii ay caaqiliintii kooxdaasi mar siiyeen afar sano ka hor, laakin miyuu Pogba ka soo baxay balan qaadkii uu sameeyay markii ka tagayay Man United sanadii 2012 ?.

19 jirkii xiligaas ayaa ka tagay United markii uu waayay fursad kooxda koowaad ah waxaana inta uusan bixin la sheekeysta daaficii hore ee United Rio Ferdinand oo Pogba weydiyay ” Maxaad u baxeysaa ?” Pogba ayaana ku jawaabay “Inaan noqdo xidiga ugu fiican aduunka ” dabcan taasi waa jawaab hadal ahaan fudud laakin macno ahaan adag, ee muxuu Ferdinand yiri ? “Haatan wuuu hayaa wadadii uu ku noqon lahaa kan ugu fiican aduunka laakin wali ma uusan gaarin”.

Maxay aheyd dhibtii ugu weyneyd ee Ferdinand uu la kulmay markuu noqday daafaca ugu qaalisan taariikhda hryaalka ingiriiska ? Rio ayaa yiri “Cadaadiska iigu weyn ma aheyn garoonka dhexdiisa ee wuxuu ahaa tababarka”.

pogba

“Waxaan aaminsanaa in ciyaartoyda kooxda ay isweydiinayeen (Maxay tahay waxa laga soo bixiyay 30 milyan o pound ? Miyuu horyaalka inoo qaadi karaa ? taas ayaa aheyd waxa iigu weyned laakin Paul Pogba sidaa ma aha”.

Ferdinand ayaa ugu danbeyn qirtay in ciyaartooyda Man United ay niyad jabi doonaan hadii uusan heshiiska Pogba noqon mid miro dhala “Waxaan hubaa in dhamana ciyaartooyda ay niyada gashteen  imaatinkiisa hadii uu imaan waayana wey niyad jabi doonaan, waan hubaa midaas, so iibiya iskana ilooba lacagta, isaga hala s iibiyo”.

Waxaa Qoray: Abdirahman Qoslaaye

You might also like More from author

Comments are closed.