Wafdigi Maamul usameynta Jubbaland ee ku sugnaa Gobolka Gedo oo Boqday Dagmoyinka Luuq, Doolow iyo Balad Xaawo

37

Gobolka Gedo ee dhaca Konfur Galbeed Somalia ayaa waxaa dhawaan soo garay  Wafdi ka socda  Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo .

Wafdigaan ayaa inta uu ku sugnaa Gobolka Waxaa uu boqday  Dagmoyinka  Luuq, Doolow iyo Balad Xaawo halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeeshay Gudomiyeyaasha Dagmoyinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Dagmoyinkaas.

Wafdigaan ayaa waxaa uu qaybaha kala duwan ee Bulshada 3daas Dagmo kala hadlay Arimaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo  waxaana Dhismaha Maamulkaan soo dhaweyay   Maamulada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dagmoyinkaas.

Waxaa sido kale  Wafdigaan ay bilaaben  Ururinta Ergadi Gobolka Gedo uga qayb gali lahayd  Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaana ila iyo hada la diyaariyay 100/70 Ergadi ka qayb gali lahayd Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Wafdigaan ayaa waxaa uu maalmaha nagu soo adan  ku wajahan yahay Magaalada Garbahareey halkaas oo ay ku sugan yihiin Masuliyin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo waxaana lagu wada  in halkaasi u ka dhaco kulan muhiim.

Dhanka kale  Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa la soo shegay in Maamulka Dagmadaasi u diyaariyay  Ergoyinki  Dagmadaaasi u matali Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaa  kaliyah ee ay sugayaana ay tahay  gadiidki qadi laha Dagmoyinka kale ee diyaarshay Ergadi Shirka u matali lahayd  ayaa waxaa ka mid ah  Dagmoyinka  Balad Xaawo,Luuq iyo Doloow waxaa kale oo jirta  Ergoyin si duumasha ah uga yimid  Dagmoyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee Gobolka Gedo oo wali  ku jira gacanta Kooxda Al-Shabaab.

Isku soo wada duubo Shacabka Gobolka Gedo  ayaa waxaa ka war dhowrayaan kulanka muhiim ah ee Magaalada Garbaharey ku dhexmari doona  Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo  ee ku kala aragtida duwan  Maamul usameynta  Jubboyinka iyo Gedo inkasta oo shacabka Gobolka ay ka niyad jabeen  hadal uu  xalay BBC da siyay  Maxamed Cabdi Kaliil kaas oo si isku mid ah ay uga  careysiiyay  Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee ku sugan Gobolka  iyo Shacabka Gobolka ee u hanweyna Dhismaha Jubbaland.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.