Wasiirka adeegga bulshada oo kulan la qaadatay qeybaha kala duwan ee bulshada

45

Kadib kulan ay u qabatay wasiirka wasaaradda horumarinta adeega bulshada dowaladda Soomaaliya qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay kala hadashay sidii loo horumarin lahaa waxbarashada ubadka Soomaaliyeed.

Kulankani oo ay ka soo qeb galeen wax garad, Culumaa’udiin masuuliyiin ka socotay ganacsatada Soomaaliyeed iyo daladaha wax barashada dalka ayaa waxaa inta badan looga hadlay sidii horay loogu qaadi lahaa waxbarashada dhalaanka Soomaaliyeed.

Ugu horeyn waxaa hadalka qaatay wasiirka horumarinta adeega Bulshada Soomaaliyeed marwo Maryan Qaasim Axmed waxaana ay ku boorisay qeybaha ay la kulantay in ay gacan ka geystaan sidii ubadka Soomaaliyeed ee saameynta ay ku yeesheen dagaalada isla markaana waxbarasho la’aanta ay ku dhacday  looga saacidi lahaa sidii ay ku heli lahaayeen waxbarasho.

Guud ahaan inta ka hadashay kulankaasi waxaa ay balan qaadeen in waasaradda horumarinta adeega bulshada ay ka saacid doonaan dedaalka ay wadaaan.

Guddoomiyaha Rugta Ganacisga oo hadal ka jeediyay kulankani ayaa dhankiisa balan qaaday in ka ganacsato ahaan ay wasiirada kala shaqeyn doonaan dedaalka ku aadan waxbarasho u helida ubadka Soomaaliyeed meel waliba oo ay ka joogaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiirka horumarinta adeega Bulshada Soomaaliyeed marwo Maryan Qaasim Axmed  oo kulankaasi hadalo dheer oo u badan dhibaatada waxbarsho la’aanta heysta ubadka Soomaaliyeed ka jeedisay ayaa soo bandhigtay qorshe waxbarasho oo ay ugu talagashay dhalaanka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan gobolada Dalka Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii wasiirka horumarinta adeega Bulshada Soomaaliyeed marwo Maryan Qaasim Axmed ay kulan la qaadatay  hay’adda UNICEF  kaasi oo looga  hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa dhalaanka Soomaaliyeed isla markaana looga saari lahaa dhibaatada heysata.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.