Warbixin: Arsenal Oo Hormar Ka Sameysay Qorshaha Ay Ku Dooneyso Riyad Mahrez Iyo Alexandre Lacazette, Halkey Wax Marayaan?

0

Sida ay tilmaamayaan warbixino ka imaanaya dalka Algeria Arsenal ayaa hormar fiican ka sameysay qorshaha ay ku dooneyso garabka Leicester City Riyad Mahrez kaas oo ka mid ah ciyaartoyda sida ba’an loola xiriirinayo kooxda ka dhisan waqooyiga London, waxaana la leeyahay Riyad wuxuu ogolaaday inuu ku biiro Gunners.

Gunners ayaa ku fashilantay iney lasoo saxiixato Jamie Vardy ka hor koobkii Euro 2016 – waxeyna ka quusatay saxiixiisa markii uu heshiiska u kordhiyay Leicester City, balse markaan 25-jirka reer Algeria ayey dooneysaa iney keento London.

Wargeyska kasoo baxa Algeria ee lagu magacaabo Le Buteur ayaa shaaca ka qaaday in Mahrez uu ogolaaday ku biiritaanka Arsenal kadib markii isaga iyo wakiilkiisa ay wadahadalo fool ka fool ah la yeesheen macalinka reer France kadib ciyaartii ay guuldarada xanuunka badan kala kulmeen Leicester City kooxda Paris Saint Germain ciyaartii ka tirsaneyd koobka International Championship Cup.

Mahrez

Riyad Mahrez ayaa xagaagii hore dhaliyay 17-gool, sidoo kalana caawiyay 11-gool taasoo ka saaciday inuu noqdo xiddiga ugu fiican horyaalka Premier League-ga abaalmarinta ay bixiyaan ururka ciyaartoyda Horyaalka Ingiriiska (PFA).

Dhanka kale Arsenal ayaa mar kale sameysay hormar fiican markii ay qiimaha Alexandre Lacazette kala heshiisay kooxdiisa Lyon sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya dalka faransiiska.

Gunners ayaa lagu soo diiday dalab 29 Malyan Oo Pound ah oo ay goor hore ka gudbisay xidigaan, balse sida la aaminsan yahay dalabkii hore ayey hormarisay kooxda waqooyiga London ka dhisan taasoo keentay in labada kooxood ay isku raacaan qiimaha weeraryahankaan halista badan.

Jariiradda  Le 10 Sport ayaa qortay in dalabkii la hormariyay ee Arsenal uu anfaay Lyon sidaasna ay Arsenal kula wareegi karto xidigaan heerka caalami.

Si kastaba macalinka kooxda Lyon Bruno Genesio ayaa isku diyaarinaya inuu noolaado la’aanta Alexandre Lacazette oo kooxdiisa ka caawin jiray dhanka gooldhalinta, sida la fahamsan yahay Arsenal ayaa dhawaan soo afjari doonta saxiixa 25-jirkaan heerka caalami ee xulka France.

You might also like More from author

Comments are closed.