Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay goob gawaarida la dhigo ee Baar Liido

50

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay qeybta gawaarida la dhigto ee Baarka Liido Sea Food, halkaasoo ah meel laga cunteeyo, dad badana ay isugu tagaan xilliyada galbihii iyo maalmaha jimcaha ah loo dalxiis tago.

Uuro iyo qiic ayaa cirka isku shareertay, waxaana lagu soo waramayaa inay ugu yaraan hal ruux uu ku dhintay, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo qaraxa lagu soo beegay xilliga Qadada.

Qasaaraha ayaa ah mid wali isa soo tarayay, waxaana la xiray wadada Laamiga ee gasha Xeebta Liido, Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen.

Mid ka mid ah shaqaalaha Baarka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoog badan, isla markaana gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay la soo geliyay barxada baabuurta lagu baarkimo ee Baar Liido, kadibna uu ku qarxay.

Gaariga ayaa ahaa nuuca loo yaqaano Ruuneyd, kaasoo gudaha Baarkinka Maqaayada la geliyay, iyadoo aan laga shakin, waxaana mar qudha laga war helay qarax weyn.

Baabuur fara badan oo gudaha Baarka ku jiray ayaa bur burtay, sidoo kale qeybta barxada ee Baarkinka aheyd ayaa iyana bur bur xoog leh ku yimid.

Baar Liido ayaa ah meelaha ugu camiran ee dadka ku badan yihiin, iyadoo ay tagaan dadka ka yimid qurbaha iyo dadka reer Muqdisho, iyadoo galbihii ku qaxweeya, habeenkiina ku fiidsada.

Xeebta Liido oo ay ku dhinac taalo baarka qaraxa lala eegtay ayaa waxaa maalmaha jimcaha u dabaal taga boqolaal dadweyne oo ka kala yimaada degmooyinka Gobolka Banaadir.

La soco wixii ku soo kordha.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.