Xukuumada Soomaaliya oo lacag tii ugu badneyd dul dhigtay madaxa gacan ku dhiiglayaasha Khaarijiya wariyaasha (Daawo Sawirro)

52

Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) R/wasaaraha Soomaaliya, ayaa waxa uu maanta balan qaaday in $50,000 oo lasiin doono qof kasta oo gacanta ku soo dhiga shaqsi dil u geestay wariye Soomaaliyeed.

Saacid ayaa ka jeediyay balan qaadkaan kulan saxafiyiinta iyo wasiirka koowaad ay ku yeesheen xafiiska R/wasaraha ayna goob joog ka ahaayeen wasiirka warfaafinta iyo ku xigeenkiisa.

“Cid kasta oo keenta gacan kudhiigle khaarijiyaya wariye Soomaaliyeed waxaa lagu abaal marinayaa $50,000 (Konton Kun oo doolar).gacan ku dhiiglahana waxa uu sharcigu kaqabo ayaa lamarsiin doonaa. Balan qaadka lacageed sida saxda ah ayaa loo bixi doonaa. Ruuxii abaal marintaasi ku guuleesta in uu sidii loogu tala galay u helo aniga ayaa leyga doonayaa”, sidaa waxaa ku waramay R/wasaare Saacid.

Go’aanka xukuumada ayaa waxaa soo dhaweeyay saxafiyiintii kulanka ka qeyb galay oo markii ay maqleen aad ugu farxay.

Balan qaadka Xukumada Federalka Soomaaliya ayaa waxa uu qeyb ka qaadanayaa in hoos uu u dhoco beegsiga wariyaasha Soomaaliyeed waxa uuna sababi karaa in ay baqdin badani soo wajahdo gacan ku dhiiglayaal fara badan oo dilay saxafiyiin Soomaaliyeed.

https://i0.wp.com/allbanaadir.net/images/news/rskm_1.jpg?resize=458%2C306

https://i2.wp.com/allbanaadir.net/images/news/rskm_10.jpg?resize=454%2C306

https://i1.wp.com/allbanaadir.net/images/news/rskm_4.jpg?resize=454%2C302

https://i2.wp.com/allbanaadir.net/images/news/rskm_9.jpg?resize=454%2C302

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.