Huwanta Kismaayo oo u jahaystay dhanka Dagmada Jilib

43

Wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in  Ciidamada Huwanta ah ee ka howlgala Gobolada Jubboyinka  ay u jahaysteen dhanka dagmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.

Wararka ayaa waxaay intaaasi ku darayaan in Ciidamo  badan oo iskugu jira  Ciidamada Dowlada kuwa Raskambooni  iyo Ciidamada Amisom  laga soo saaray Xeryihii ay ku jireen  islamarkana  la geeyay meel aan waxbadan u jirin Deeganka Bullo Gaduud ee isla Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada huwanta ah ee la soo dhigay aga hore ayaa waxaa lagu wada in ay weerarow Culus ku qadan  Xogaga Al-Shabaab oo ayagu ka taliya  inta badan Gobolka Jubbada dhexe  qaas ahaan Dagmoyinka  Jilib, Xagar, Bu,aale,iyo Saakow,

Duulanka Cusub ee ay dib u bilaaben Ciidamada Huwanta ah ayaa waxaa lagu sheegay mid loga goleyahay  in  Gobolka oo dhan loga saaro Al-Shabaab inta uu socdo Shirka Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.