Madaxweeyne Barack Obama oo Fadhiga looga kacay isaga oo Qudbada dhameeysan (Daawo Muuqaal+Warbixin)

30

Warbaahinta Caalamka ayaa Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Hussein Obama waxa ay ku sheegeen Madaxweeyne War iyo xoog ku qabsaday dhagaha Shacabka dalka Mareeykanka kaas oo mar kasta u keena wax ka yaabiya shacabka Mareeykanka waliba ay istaaga uga kacaan.

[vsw id=”l533_KKDEuM” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Madaxweeyne Obama oo xarunta Qaranka magaalada Washington iskugu shiriyay Mucaaradkiisa iyo Taageerayaashiisaba waxaa uu mar quraa taruurixiyay dhoor balanqaad oo dhegaha Shacabka dalka Mareeykanka ay aad u doonayeen sida in la kordhin doono Mushaaraadka, in uu dalka Afghanistaan ka soo saari doono inta badan Ciidamada Mareeykanka ee halkaas ku dhimanaya iyo in uu gacan bir ah ku qaban doono Hubka Sharci darada ah ee ku jira gacanta Shacabka dalka Mareeykanka kaas oo inta badan ay isku laayaan Ardayda ama Jaamacadaha marka ay ku dhacaan maadooyinka Imtixaanka.

Madaxweeyne Barack Hussein Obama oo la waayay Madaxweeyne ka war badan intii uusan dhameeysan Qudbada ayaa waxaa istaagii ka kacay Martisharaftii hoolka soo buux dhaafisay kuwaas oo qaarkood sacab fara badan ka dib ilmeeyay .

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.