Arday Soomaali iyo kuwo Maraykan oo uu dagaal dhex maray

32

Wararka laga helayo magaalladda Minnepolis ee Gobalka Menesota, ayaa waxay sheegayaan inay arday Soomaali iyo kuwo Maraykan ah isugu gacan qaadeen Dugsi Sare oo ku yaalla magaalladaasi.

Ugu yaraan afar qof oo 3 arday ahayd ayaa ku dhaawacmay iska horimaadkaasi oo ka dhacay Dugsiga Sare ee South High School, iyadoo iska horimaadkaasi ka dhashay iyadoo ay Soomaalida ka cabanaysay falal hayb-sooc iyo isir-nacayb.

Dagaalkka waxa uu ka bilowday Maqaayadda Dugsiga, iyadoo ugu yaraan 200 arday ku dagaalameen, kuwaasi oo isku tuurayey cunto, suxuun iyo dhalooyinka sharaabka.

Mid ka mid ah Ardayda Soomaalida, oo lagu magacaabo Cadnaan Faarax ayaa saxaafadda u sheegay inay beryahan oo dhan Soomaalida ardayda ah dareemayeen in la faquuqayo.

Boliska ayaa soo kala dhex galay Ardayda, mana jirto arday la xiray.\, inkastoo Maamulka Dugsiga ay Dugsiga albaabadda u laabeen.

Dugsiga South High School waxaa dhigta arday tiradoodu ka badan labo kun oo arday.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.