QM oo shaaciyey inaysan Ciiddamo Nabad-ilaalin u soo dirin karin dalka Somalia

46

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Siyaasadda, Taje-Brook Zerihaoun ayaa shaaciyey inaysan QM wax qorshe ah ugu jirin inay Ciiddamo Nabad-ilaalin u soo dirto dalka Somalia.

Hadalkaasi ayuu ka sheegay Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM lahaayeen, waxaana uu xusay inay QM taageero ka siin doonto Dowladda si ay u hannato Ammaanka Guud ee Somalia.

Kaaliyaha, waxa kaloo uu sheegay inay Kooxda Alshabaab tahay mid weli khatar ah, isagoo sheegay inaan weli laga guuleysanin.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu yiri:- Alkshabaab waxay khatar ku yihiin Dowladda Somalia iyo Ciiddamadda Afrikaanka ee taageeradda siiya.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo ay xubnaha golaha Ammaanka ee QM ka arrinsanayaan in Somalia laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.