Dibadbax lagu taageerayo Nabadda iyo Isdhexgalka Bulshada oo saaka ka socda Muqdisho

64

Dibad bax ballaaran oo lagu taageerayo Nabadda iyo isdhexgalka Bulshada ayaa saaka ka socoda magaalada Muqdisho.

Dibadbaxan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Gobolka Banaadir isla markaana ay ka qeybqaadanayaan xoogag ka kala socda degmooyinka gobolka Banaadir laguna taageerayo Nabadda iyo isdhexgalka bulshada isla markaana lagu  muujinayo Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaalida ayaa saaka ka soconaya Beerta Nabadda ee Ceelgaab.

Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dibadbaxani ay ka qeybqaadanayaan dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir,  kaas oo lagu taageerayo Nabadda iyo isdhexgalka bulshada laguna muujinayo Hiddaha iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliya.

Dibadbaxayaasha oo isugu soo uruuray beerta Nabadda ayaa la filayaa in ay la hadlaan mas’uuliyiinta ugu sareeysa maamulka gobolka Banaadir.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.