Ninkii ku diley Sheekh C/qaadir Gacmeey Gudaha Masjid ku yaala Garoowe oo la qabtey baarisna ay ku socoto

61

Mid ka mid ahaa culimadii ugu caansaneyd dalka Soomaaliya, dagaaladii sokeeyana ku sugnaa gobollada Puntland ayaa dhowaan dil loogu geystey xarunta maamulka Puntland ee Garowe. gaar ahaan gudaha Masjidka uu Sheekhu Salaadii Casir ku tukanaayey.

Ninkii dilka geystey ayaa isku dayey inuu baxsado ka dib markii uu  dhaawac halis ah oo uu markii dambe sheekha u geeriyoodey geystey, laakiin dadweynihii masjidka ayaa geesinimo ay muujiyeen qabtey dhagar qabaha diley Allaha ha u naxariistee Marxuun Sheekh C/qaadir gacmeey.

Qabashada Ninka dilka gaystey waxaa ku dhaawacmey gabar iyo wiilkii qabtey, waxaana goobta soo gaarey ciidanka booliiska Puntland oo baaritaan dheer ku haaya cida soo maleegtey dilka sheega iyo haddey jiraan dad kale oo isla goobta ku sugnaa oo iyaguna damacsanaa in ay garbiyaan dhagar qabaha dilka geystey.

Dilka Sheekh ayaa Walaac hor leh ku abuuray shacabka Puntland, iyadoo dilka Sheekha uu noqday arrinka loogu hadal badan yahay Soomaaliya iyo deegaanada Qurbaha ee ay Soomaalidu ku nooshahay.

Sheekha la diley ayaa ahaa sheikhyada ugu caansan dalka isagoo dagaaladii sokeeyo ka hor magaalada Muqdisho ka wadey dacwad iyo daruus joogto ah, waxaana ay saaxiib dhow ahaayeen Sheikhii dhowaan isna lagu diley magaalada Boosaaso  Marxuum Sheekh Axmed Xaaji.

Dilalka loo geysto dadka indhaha u ah ummadda Soomaaliyeed ayaa dalka Somalia dagaaladii sokeeyey ka dib ku soo badanaayey, wallow dowlada Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira ay dadaaleen sidii wax looga qaban lahaa, laakiin in gabi ahaan laga hortago dilalka qorsheysan iyo meelaha laga soo agaasimo ayaan weli faro ka qodneyn.

 

Idale News Basaso

 

You might also like More from author

Comments are closed.