Wadaad caanka ahaa Puntland oo garoowe lagu dilay

65

War si deg deg ah goordhow inooga soo gaaray magaalada Garoowe ee casimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in la dilay Mid kamid ah Culumada Soomaaliyeed.

Alla Haa u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Garoowe xarunta Dowlada Punltand lagu dilay Sheikh C/Qaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culimada ugu waaweyn deegaanada Puntland.

Wararka ka imanaya Magaaladaasi Garoowe ayaa sheegaya in sheekha la dilay xili uu ka soo baxayay masjidka islamarkaana kooxo hubeysan ay rasaas hubiyeen.

Waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in la qabtay ninkii dilay sheekha iyadoona xaalada magaalada ay haatan tahay mid ad u kacsan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.