Marekanka oo sheegay in uu Kordhinayo Saldhigyada Qarsoodiga ah Ee qarada Africa

25

Sida uu daabacay wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Mareykanka Generaalka dowladda Mareykanka ay u magacowday hogaaminta ciidamada Mareykanka ah ee ku sugan Somalia .

General David Rodriguez ayaa warqad qoraal ah oo uu u diray aqalka sanedka dalka mareykanka waxa uu ku sheegay in muhiim ay tahay in la ballaariyo howlgalka lagula dagaalamayo ururada islaamiga ah ee ka jira bariga iyo waqooyiga qaaradda Africa oo xarakada al shabab ay ka mid tahay sida uu yiri.
General David Rodriguez ayaa tilmaamay in isaga ahaan uu qaadi doono talaaboobin soo dedejin kara dhabar jebinta Argigixisada islamarkaana qaaradda Africa uu ka sameyndoono saldhigyo militeri oo dheeraad ah iyo shaqaale kale oo howlo jaajuusnimo ka fuliya qaaradda Africa si looga taqaluso Argigixasada hoyga ka dhigatay dalal Somalia ay ka mid tahay waa sida uu hadalka u dhigay
Waxa uu sheegay in la dhisi doono saldhigyo qarsoodi oo 15 kor u dhaafaya .isagoo ka gaabsaday goobaha laga furi doono saldhigyada qarsoodiga ah oo dowladda mareykanka ay ka furi doonto qaaradda Africa kuwaas oo lagula dagaalami doono waxa dowladda mareykanka iyo dowladda kale ee reergalbeedka ay u yaqaanaan argigixisada
Dowlada Mareykanka ayaa dalka aynu deriska nahay ee Djubuuti sanadkii 2007da ka dhisatay saldhig militeri oo la yiraahdo Camp Lemonnier kaas oo laga maamulo howlgalada Mareykanku uu ka fuliyo dalal Somalia.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.