Midoowga Arday Jaamacadeed ee Kismaayo oo la abaabulayo

50

Midoowga ay leeyihiin arday jaamacadeed ayaa laga abaabulayaa magaalada Kismaayo, sida Kn u sheegeen mas’uuliyiin sarsare oo xagga waxbarashada tacliinta sare qaabilsan.

Wareysi uu dhawaan Kn siiyey Gudoomiyaha Jaamacadda Kismaayo Dr. Maxamed Wali ayuu ku sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay in la abaabulayo midoowga Ardayda Jaamacada Kismaayo.

Arday badan oo ka baxay dugsiyada Kismaayo ama jaamacadaha Kismaayo ayaa waxbarasho u jooga wadamo kale oo aduunka ah, sida dalka Suudaan, wadamadaasi oo ay ka jiraan ururo arday oo calaaqaad la leh kuwa Soomaalida, midoowganina loogu isticmaali doono in xiriir wanaagsan oo iskaashi ah uu dhexmaro ururada ardayda.

Kismaayo waxaa ka jira labo jaamacadood oo kala ah Jaamacada Kismaayo iyo tan Jubbada Hoose, waxaana dhigta boqolaal arday ah.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.