Xildhibaanno eedeymo Kulul U jeediyay AMISOM +Sawirro

62

Xildhibaanadani ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka oo Maanta Shir Jara’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika in ay ka gaabiyeen howl gallada ka dhanka Al Shabaab ee looga sifeynayo qaybo ka tirsan Gobollada Jubbooyinka kuwaasi oo haatan gacanta ugu Jirta Ururka AL Shabaab.

Xildhibaan Max’ed Max’ud Ibraahim Goodir oo ka mid ahaa xildhibaanadii Maanta kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in iminka AMISOM ay ka muuqato gaabis ku aadan in ay qaadaan howl gallo kale oo ka dhan ah Ururka AL Shabaab isagoo intaa ku daray in sababihii Ciidamada AMISOM loo keenay dalka ay ahayd ladagaalanka Ururka Al Shabaab.

Xildhibaan Goodir ayaa waxa uu sheegay in haatan Jubbooyinka ay Al Shabaab ka xoreysantahay degmooyin kooban islamarkaana inta badan degmooyinka iyo deegaanada Gobolladaasi ay gacanta ugu Jiraan Ururka Al Shabaab isagoo ku eedeeyay Ciidamada AMISOM in ay ku Mashquulsanyihiin Ciidamada AMISOM Maamul u sameynta Gobollada Jubbooyinka taas oo aan ahayn shaqadooda sida uu hadalka u dhigay ee looga fadhiyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Max’ed Max’ud Ibraahim oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka hadlay arrinta Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka isagoo carabka ku dhuftay in aan la gaarin xilli Maamul loo sameeyo halkaasi balse loo baahanyahay in la dhameystiro cirib tirka Ururka AL Shabaab oo qaybo badan kaga sugan Gobolladaasi.

Hadalka xildhibaanadaani ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa ku soo beegmaya xilli haatan ay socdaan kulamo gaar gaar ah oo loogu gogol xaarayo arrimaha Maamul u sameynta Gobollada Jubbooyinka

Daawo Sawirada Kulanka

DSC00533\

DSC00534

DSC00535

DSC00536

DSC00537

DSC00538

 

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.