Kulan looga hadlayay Is dhex galka bulshada oo lagu qabtay magaalada Jowhar (Sawirro)

62

Kulan ballaaran oo looga hadlayay is dhex galka bulshada ku nool Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, kaasoo ahaa kii u horeeyay noociisa tan iyo intii laga saaray Al-Shabaab bishii December ee sanadkii hore.

Ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada ee SYAO oo soo qaban qaabiyay kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan saddex boqol oo ruux, Mas’uuliyiinta maamulka iyo Saraakiisha ciidamada, waxaana ajandayaashii kulanka ay isugu jireen qeybo badan oo ku saabsan sidii dadka ku nool Gobolka ay ula shaqeyn lahaayeen Maamulka, wacyi gelin iyo sidii dhalinyarada ay nabada uga qeyb qaadan lahaayeen, isla markaana ay isaga soo tagi lahaayeen Al-Shabaab.

Ku simaha ahna Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Gudoomiye kuxigeenka Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo ugu horeyn kulanka furay ayaa ku amaanay SYAO barnaamijkan ay soo qaban qaabisay iyo dadkan ay isu keentay, isagoo xusay in dadka reer Jowhar iyo dhamaan dadka ku nool Gobolka ay yihiin dad nabada jecel.

“Dhamaan dadka reer Jowhar waa dad nabadeed, waxay diyaar u yihiin inay nabad ku wada noolaadaan, sidaas darteed waxaa uu Maamulka mar walba diyaar u yahay inuu la shaqeeyo shacabka, haraadiga Al-Shabaab ee dhexdiina ku jira aad iska soo dhex saartaan”ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiye Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku dhaqan Gobolka, gaar ahaan reer Jowhar ay u baahan yihiin in la wacyi geliyo, waxaana uu balan qaaday in Maamulka Gobolka uu xirfado shaqo u abuurayo dhalinyarada.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Munaasabada Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamedamiin Cusmaan Xaaji Cabdulle Caqiil oo sheegay inay kulamadan oo kale ay muhiim u tahay bulshada, isla markaana la joogteeyo is dhex galka bulshada, waxaana uu ku bogaadiyay SYAO inay sii wado howlaha isugu jira wacyi gelinta iyo kulamada ceynkan oo kale.

Gudoomiyaha Ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyed Maxamed Ibraahim Cajiib oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay sida qeybaha bulshada ay u ajiibeen martiqaadka ay u fidiyeen, waxaana uu sheegay inay sii wadi doonaan kulamada wacyi gelinta ee ku saabsan arrimaha bulshada.

“Waxaa idinka mahadcelinayaa sida aad u ajiibteen isu imaatinkan SYAO waxay ku faraxsan tahay in maanta magaalada Jowhar oo la joogo inay kulan ku qabato, magaalada oo xor ah, magaalada oo nabada ah, oo laga xoreeyay cadawgii heystay, sidaas darteed waxaan dooneynaa inaan ka shaqeyno nabada inaan isku xirnaan, inaan la shaqeyno maamulka, waa inaan xaqiijinaa nabada aan heysano”ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Cajiib.

Mr Cajiib ayaa sheegay inay qaban doonaan Tartamo Isboorti oo ku saabsan is dhex galka bulshada, waxaana uu balan qaaday inay xafiis ka furan doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada Jowhar, isla markaana dhalinyarada ay ugu noqon lahaayeen marjac sidii la isugu xiri lahaa.

Taliyaha Guutada koowaad ee Ciidamada xooga dalka Jen. Maxamed Maxamuud Saney oo kulan ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka iyo ciidamada ay wada shaqeeyaan, si ammaanka loo adkeeyo, waxaana uu ka codsaday shacabka inay u soo sheegaan hadii ay arkaan kuwo qal qal gelinaya ammaanka, isagoo soo dhoweeyay kulankan ballaaran ee bulshada loo qabtay, kaasoo uu ku tilmaamay mid niyada shacabka sare u qaadaya.

Intii uu kulanka socday ayaa kooxaha Shiriba ay ku soo bandhigeen suugaano ka hadleysay nabada iyo sida bulshada ay ugu baahan tahay inay nabada ku wada noolaadaan, waxaana sidoo kale ka qeyb galayaasha kulankan oo ka hadlayay fikirkooda ay muujiyeen sida xilligan loogu baahan yahay inay bulshada isku xirnaadaan, nabadana ka wada shaqeeyaan.

Waxaa kaloo kulanka ka hadashay Sacdiyo Maxamed Burus Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Shabellaha Dhexe oo sheegtay in hadii ay yihiin Haweenka Gobolka ay soo dhoweynayaan in bulshada la wacyi geliyo, iyadoo xustay in Hooyooyinka looga baahan yahay in caruurtooda ka ilaaliyaan kuwa marin habaabinaya.

Gudoomiyaha Gudiga Olimbikada Shabellaha Dhexe Maxamed Khalad Aadan (Shongole) oo munaasabad ka jeediyo khudbad dheer ayaa soo qaatay taariikhdii hore la soo maray iyo marxaladihii kala duwanaa ee dalka, isagoo soo qaatay halgankii SYL iyo gobonima doonka, waxaana uu tilmaamay in Gobolka Shabellaha Dhexe uu kaalin wanaagsan ka qaadan jiray Ciyaaraha iyo is dhex galka bulshada, waxaana uu ka codsaday SYAO inay ka gacan siiso qabashada Tartamo Isboorti, qalab iyo sidii garoomada loo hor marin lahaa.

Ugu dambeyn ka qeyb galayaasha kulankan ee isugu jira Odayaasha dhaqanka, haweenka, Dhalinyarada ayaa waxay soo bandhigeen fikrado ku saabsan sida bulshada ay isugu xirnaan karaan, isla markaana nabada uga qeyb qaadan karaan.









Idale News Muqdisho
 

You might also like More from author

Comments are closed.