Kulan looga hadlayay ka hortaga Kufsiga oo ka dhacay Muqdisho

49

Kulan looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa dacadiyada loo geysanayo haweenka Soomaaliyeed ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid  si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qeyb galeen mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, guddoomiyaha G/banaadir, guddoomiyaha dagmada Warta Nabada, guddoomiyaha dagmada X/jajab,  qaar ka mid ah ururada haweenka, fanaaniin, iyo shacabka ku dhaqan dagmada Warta Nabada oo soo qaban qaabisay kulanka.

Kulankan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii loola dagaalami lahaa kufsiga loogeysanayo haweenka iyo sidii ay shacabka meel qura uga soo wada jeesan lahaa kufsiga lagula kacayo dumarka.

Intii ay uu socday kulanka ayaa waxaa fanaaniinta ay ku soo bandhigeen riwaayado iyo heeso ka tarjumayo saameynta uu leeyahay kufsiga lagula kacayo haweenka.

Guddoomiyaha dagmada Warta Nabada Deeqa C/qaadir Axmed oo hadal ka jeedisay goobta ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in lagu xadgudbo haweenka iyadoona xustay in haweenku ay yihiin udub dhaxaadka qoyska, abaalne aan looga dhigin tacadi.

Sidoo kale xildhibaanada Caasha Xaaji Cilmi oo ah Marwada R/wasaaraha dalka ayaa qeexday in dowladda Soomaaliya aysan ogoleen doonin tacadi lagula kacayo dumarka arintaasine ay tahay wax laga xishoodo.

Waxa ayna intaasi ku dartay in haweenka Soomaaliyeed ay si isku mid ah ay hal meel uga soo wada jeesteen sidii ay ula dagaalami lahaayeen kufsiga lagula kacayo.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan ka hortaga tacadiyada si loo dhowro sharafta dumarka.

Maanta oo kale ayaa ah maalin ay si isku mid ah u xusayaan wadamo ka tirsan caalamka la dagaalanka tacadiyada lagula kaco dumarka iyadoo gobolka banaadirna uu la qeybsaday munaasabadaasi dunida inteeda kale.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.