Maamulka G/Sh/dhexe oo ku baaqay in gurmad caafimaad loo fidiyo dadka ku dhaqan gobolkaasi

33

Guddoomiyaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe Cusmaan Maxamed Maxamuud Xaadoole oo la hadlay Idale News ayaa sheegay in xaalado caafimaad daro ay ka taagan yihiin degmada Balcad iyo deegaanada hoos yimaada ayadoo haatan dad badani ay la ildaran yihiin xaanuuno kala duwan.

Waxaana uu tilmaamay in aaney jirin goobo caafimaad oo la tacaali kara caduradaasi dadka soo ritay sida maleeriyada iyo jadeecada oo ah kuwa ugu badan ee ay dadkaasi la ildaran yihiin.

Guddoomiyaha ayaa dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha qaabilsan caafimaadka ugu baaqay in ay gurmad caafimaad u fidiyaan shacabka ku dhaqan gobolka Sh/dhexe.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in maamulka iyo shacabka ay xili walba ka wada hadlaan arrimaha amaanka, caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha bulshada.

Dagmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa laga saaraay maleeshiyaadka kooxda shabaab, waxaana intii ay gacanta ku hayeen dagmada ayna shacabku heli adeegyadii bulshada.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.