Turkish Airlines oo Dadka u socda magaalladda Muqdishu ka mamnuucayso Khamriga

53

Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines Turk Hava Yollan ayaa soo saartay Sharci lagu mamnuucayo inay Dhoofayaasha khamri ku dhex cabaan Diyaaradda marka ay ku sii jeedo Caasimadda dalka Somalia ee Mogadisho.

Wargeyska “Hurriyet” ee lagu daabaco magaalladda Ankara ayaa maanta qoray inay Shirkadda Turkish Airlines qaadatay go’aankaasi oo saamayn ku yeelanayo Rakaabka raaca Diyaaradaha Turkish Airlines ee ku sii jeeda 10-magaallo oo ku kala yaalla Qaaradaha Africa iyo Asia.

Dhoofayaasha uu saamaynayo Sharcigan ayaa waxay kala yihiin kuwa  raaca duullimaadyadda Diyaaradaha Turkish Airlines ee u safra Caasimadda dalka Somalia ee Mogadishu, iyo magaallooyinka kala ah  Cairo & Eleskandaria  (Egypt), Kuwait City (Kuwait), Karachi &  Islamabaad (Pakistan), Baqdaad,& Erbil (Iraq), Dakar (Senegal) iyo Niamey (Niger).

Wargeyska Hurriyet waxa kaloo uu qoray inay Shirkadda Turkish Airlines qorsheynayso inay Duullimaadyadda Caalamka ka mamnuuci doonto inay Dhoofataasha khamri ku dhex cabaan Diyaardaha.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.