Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin sheegay in aan loo dhameyn Shir Maamul loogu dhisayo Jubbooyinka

40

Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka oo iyana ka hadlay arrimahaasi ayaa ku tilmaamay in ay yihiin kuwa aan loo dhameyn waxaana ay sheegeen in looga baahanyahay dadka Maamulkaasi abaabulaya in ay Joojiyaan si beelaha halkaasi wada daga ay U sameystaan Maamul ay ku mideysanyihiin iyagoona sheegay in Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Nuur Amiin oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Maamulkaasi uu yahay Mid aan loo dhameyn isagoo intaa ku daray in dad gaar ah ay wataan taas oo uu ku tilmaamay wax aan ka daadagi Karin bulshada degta Jubbooyinka.

Sidoo Kale Siyaasiga Axmed Cumar Rooraaye oo isna ka mid ah Siyaasiyiinta Ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka oo lahadlay idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Maamulkaasi uu yahay mid aan ku dhisneen Rabitaanka dadka shacabka ah taasina waxa uu xusay in ay tahay mid aan ku dhisneen aayaha shacabka Jubbooyinka.

Sikastaba  Maalmihii dambe ayaa waxaa ka socday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubada Hoose qaban qaabada shir la sheegay in  Maamul loogu dhisayo Gobolladaasi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.