Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Addis Ababa “DAAWO SAWIRRADA”

24

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waaberigii saakay gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia ayadoo wafdiga Gudoomiyahana si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha.

Wafdiga gudoomiyaha uu hogaaminayo oo Ethiopia soo gaaray abaare 7:30AM aroornimo ee saakay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Boli International Airport ee magaalada Addis Ababa kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dalka Ethiopia oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkan Ethiopia Abudlla Gem Da iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Ethiopia.

Markii garoonka diyaaradaha lagusoo dhaweeyey kadib wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa lagusoo galbiyey isaga iyo wafdigiisa kolonyo gaadiid ah oo mootooyin ay horkacayeen ayadoo ugu dambeynna loosoo galbiyey hotelka Hilton oo wafdiga Gudoomiyaha ay deganyihiin.

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo socdaalkan uu maanta ku yimid dalka Ethiopia ah safarkii ugu horeeyey ee uu dalka kaga soo ambabaxo tan iyo intii loo doortay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka 28kii August-2012 waxa uu kulan la qaadan doonaa madaxda dalkan oo uu ugu horeeyo dhigiisa Afhayeenka Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari waxaa socdaalkiisa ku wehliya Marwadiisa Marwo Xaawo Ibraahim Aadam,Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad,Gudoomiyeyaasha gudiyada Baarlamaanka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.