Xukuumadda Kenya oo maanta ka walaacsan in la qaarijiyo la heestayaal ay shabaab ka haysteen

49

Xukuumadda Kenya ayaa maanta ka walaacsan in la qaarijiyo La heestayaal u dhashay dalkaasi Kenya oo ay gacanta ku hayan Al-Qacidada Somalia ee Al-shabaab

Waxa ay Maanta Taariikhda ku asteysantahay 14-ka bisha Febraayo oo ah xilliga Alshabaab ay u qabteen inay kusoo daayan Maxaabiista ku jirta Xabsiyadda dalkaasi Kenya, haddii arinkaasi la waayo ay shabaab dili doonaan la heestayasha

Bishii tagtay ayee ahayd markii Kooxda alshabaab ay Barta interneedka ee Twetarka ku soo bandhigeen Afar qof oo ay ku sheegen inay ku qabsadeen weerar dhex maray shabaab iyo Ciidamada Kenya

Xukuumadda Kenya ilaa iyo iminka kama aysan jawaabin Mudada ay shabaab u qabteen la heestyaash oo maanta ku eg, sidoo kale dhanka alshabaab iyaguna wax hadal ah kama soo saarin waxana la filaaya in shabaab ay ka dhabeyn doonaan dilka ragaasi la heestayaasha ah.

Idale News mUqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.