Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho

44

Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib markii uu xanuun ku soo booday.

Xildhibaanka ayaa horay waxaa uu Wasiir uga soo noqday Xukuumadii Cumar Cabdirashiid ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti.

Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada Marxuumka oo sheegay in xanuun ku soo booday uu u dhintay.

Xildhibaanka oo ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, iyadoo geeridiisa ay ku soo beegmeyso xilli Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari uu safarkiisa u horeeyay ee dibada ugu ambabaxay dalka Itoobiya.

Geerida Xildhibaanka ayaa noqoneysa tii labaad, tan iyo markii Baarlamaanka cusub la soo dhisay bishii Agosto ee sanadkii hore, iyadoo Xildhibaan sodog u ahaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed lagu dilay magaalada Muqdisho bishii September.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.