Al-Shabaab oo isaga baxay Janaale iyo Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya

47

Wararka ka imaanaya degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kaabiga u saaran yihiin, kadib markii ay isaga baxeen Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa tan iyo shalay u gar-guuranaya degmada Janaale oo ah deegaan ku caan ah wax soo saarka Beeraha, kaasoo ka mid ahaa deegaanada ay sida xoogan uga talinayeen Shabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Janaale ayaa sheegaya in ilaa iyo hada aan wax ciidan soo gaarin Janaale, hase ahaatee Ciidamadii Shabaab ay isaga baxeen, halka Ciidamada kale ee dowladda iyo AMISOM ay afka u saaran yihiin Janaale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay jireen iska hor imaadyo goos goos ah oo ka dhacayay deegaanada u dhaxeeya Shalanbood iyo Janaale.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay gacanta ku dhigi doonaan degmada Janaale oo uu tilmaamay inay muhiim ugu tahay sugida amaanka deegaanada muhiimka ah sida xarunta gobolka ee Marka.

Janaale ayaa u jirta Marka qiyaastii 15-KM, waxaana ciidamada u dhaqaaqay ay maalmihii u dambeeyay wadeen guluf ku aadan deegaanada ku haray gacanta Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shalay ayay aheyd markii Maamulka Shabellaha Hoose uu ku hanjabay inay qabsan doonaan degmooyinka Janaale iyo Khoryooley.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.