Maamulka gobolka Sh/hoose oo ku hamjabay inay weeraro ku qaadayaan degmooyinka Qoryooley iyo Baraawe

26

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Cabdqaadir Shiikh Maxamed Nuur ayaa ku hanjabay in ay dhowaan la wareegi doonaan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/hoose oo ay gacanta ku hayaan ururka Alshabaab.

Wareysi uu siiyay idaacada Voice of America ayuu guddoomiyaha gobolka Sh/hoose waxa uu ku sheegay in ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan deegaanada ay weli gacanta ku hayaan ururka Alshabaab.

Inkastoo uu gudoomiyaha gobolka Sh/hoose uu sheegay in ay qorsheynayaan weerar ay qaadaan ayaa hase ahaatee waxaa xalay lagu weeraray xarunta uu ku leeyahay deegaanka Shalambood.

Weerarkan ayuu C/qadir Maxamed Nuur guddoomiyaha gobolka Sh/hoose waxa uu sheegay in qasaare uu ka soo gaaray dhismaha uu ka degen yahay Shalaambood oo haatan xafiiskiisu ku yaal.

Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa degmooyin ka mid ah gacanta ku haya ururka Alshabaab iyadoo degmooyin kale oo ay ka mid tahay xarunta gobolka ee Marka ay maamusho dowlada Soomaaliya.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.