Is-bedel la filaayo in dhawaan lagu sameeyo Taliyayaasha Ciidamada Somalia

58

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xukuumadda Somalia ay xil ka qaadis ku sameyneyso Taliyayaasha Nabad sugidda iyo Police-ka Somalia oo xilkaasi haayay in muddo ah

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Fiqi uu soo xulay Dhowr Saraakiil kuwaasoo la filaayo in lagu wareejiyo Xilalka la filaayo in dhawaan laga xayuubiyo Taliyayaasha Hay’adda Nabadsugida Qaranka si loo helo is-bedel ku aadan dhanka Amaanka Somalia

Illa wareedyada ayaa sidoo kale laga soo xigtay in Hogaanka Hay’adda Nabadsugidda Somalia lagu wareejin Doono Cabdullahi Cali Mocow oo kamid ah Masuuliyiinta Hay’dda

Sidoo kale Warqad kasoo baxdat Wasaaradda Gaashandhiga ayaa lagu sheegay inay ku qorneyd in Xil ka qaadista Taliyayaasha uu kamid ahaan doono  Shariif Shiikhunaa Maya waxaa lagu soo waramaaya in Booska Shariif Shiikhunaa lagu wareejin doono Sarkaal sare oo isagu dhawaan wax kusoo bartay Dalka Ugandha kaasoo la sheegay inuu kamid yahay Saraakiishi hore ee Somalia iminkana ka imaaday Dalkaasi Ugandha

Si kastaba ha ahaatee Is-bedelka la doonayo in lagu sameeyo Taliyayaasha ayaa ah mid Xukuumadda Somalia ay ku dooneyso inay ku xaqiijiso amaanka Somalia gaar ahaan Magaaladda Muqdisho.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.