Ergoyinka Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo u matalaya gobolka gedo oo 3 Airport laga soo qaadayo

32

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa  waxaa Maalmahaan ka socda diyaargowgi ugu weyna ee logu jiro  Furitaanka Shirweynaha Jubbaland State Of Somalia.

Gudiyada Kala duwaan ee ku howlan dhisida Maamulka Jubbaland ayaa waxaa isku qaybiyeen labo qaybood ayado  qaybi ay ku mashquulsantahay diyaarinta Shirweynaha iyo Habsami u socodkiisa  .

Halka Qaybta kale lo xilsaray daad guraynta  iyo dajinta ergoyinka ka qayb galaya Shirweynaha Jubbaland ee ka kala imanaya  Gobolada Jubbad hoose  Jubbada dhexe iyo Gedo.

Markaan u soo labano Gobolka Gedo  waxaa uu ka mid yahay Gobolada laga soo qaadayo Ergoyinka ugu badan  waxaana ergoyinka ku sugan Gobolka la faray in ay iskugu tagaan 3 Magaalo oo leh  Garoomo Diyaaradeed wana Magaaloyinka   Garbaharey, Ceelwaaq, Doolow,

Gobolka waxaa lo diriyaa 3 Diyaaradood oo soo dad gureeya  Ergoyinka iyo Odayaasha Dhaqanka  Gobolka  Gedo waxaana la saadalinaya ila iyo 18 ka bishaan in ergada Gobolka Gedo  ay ku soo garaan  Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ergada Gobolka Jubbada  hoose  iyo Jubbada dhexe  ayaa waxaay iskugu tagi doonan Magaaloyinka  Afmadow iyo dhoobleey  halkaas oo si wada jir ah loga soo qadi doono  waxaana arinkaan lagu macneyay Gobolka Jubbada dhexe oo aan ahayn Gobol xor ah oo si toos ah loga soo qaadi karo Magaalo ka mid ah Gobolka  Ergoyinki matalilaha .

Dhanka kale waxaa la dhamaystiray Holki uu ka  dhici laha Shirka iyo Waliba Hoygi ay saxan la hayeen  iyo tasiiladka kale ee ay u bahan yihiin Ergoyinka ka qayb galaya Shirlka .

Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo  ayaa  waxaa uu furmaya 23 bishaan aanu ku guda jiro waxaana uu socon doona  mudo 15 bari ah  ayado mudadaasi laga doodi doono ansixinta   Dastuurka Jubbaland  ee la soo diyaariyay so xulista xubnaha Barlamanka ,Dorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka kowaad, iyo labaad waxaana la soo afjari doono Shirweynaha   sida qorshuhu yahay  08/03/2013.

Sida Qorshuhu yahay Madaxweynaha ayaa waxaa uu soo magacaabi doono  Golaha Wasiirada  waxaayna ka kobnan doonan 10 wasiir  sido kale Madaxweynaha waxaa uu soo magacaabaya  Gudomiyeyaasha Gobolada Jubbaland State.

Amanka Magaalada Kismaayo ayaa siweyn lo xojiyay  waxaana sido kale magaalada ku soo wajahan Ciidamo dheraad ah oo logu tala galay xojinta Amaanka guud ee Magaalada Kismaayo  waxana ciidankaasi hada ay soo gareen  Dagmada Afmadow waxaana horkacaya Taliyaha Guutada kowaad ee Ciidamada Jubbaland Col Cabaas Ibrahim gureey.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.