Mudanayaal ka tirsan baarlamanka oo soo gebagebeeyay socdaal ay ku marayeen G/Galguduud

47

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo maalmihii la soo dhaafay booqanayay Gobolka Galgaduud ayaa soo gebagebeeyay kormeerkii ay ku marayeen deegaano hoosyimaada gobolkaasi.

Mudanayaashaasi oo shir jaraa’id saaka ku qabtay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay soo gebagebeeyeen socdaalkii ay ku kala bixinayeen deegaano kala duwan oo ka mid ah gobolada Galgaduud iyo Hiiraan .

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Mudanayaashaasi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in ujeedada socdaalkooda ay aheyd u kuurgelida xaalada ammaanka, adeegyada bulshada iyo maamulada, isagoo hoosta ka xariiqay  in ay kulamo wadatashi ah la soo yeesheen qeybaha kaladuwan ee bulshada ku nool deegaannadii ay booqdeen.

Xildhibanada ayaa tibaaxay in ay soo ogaadeen baahida dadka iyo rabitaankooda, waxeyna xuseen in macluumaadka iyo warbixinta ay ka soo ururiyeen ay hordhigi doonaan kalfadhiga Labaad ee Baarlamanka marka uu furmo.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.