Mucaaradka Syria oo gacanta ku dhigay Airpor ay la haayen Ciidamada Militari-ga

34

Wargeysyada kasoo baxa Dalka Syria ayaa saakay qoraaya in Xoogaga ka dagaalamaya dalka Syria ay gacanta ku dhigay Airporka Militariga ee ku yaal magaala Aleppo, ee wadankaasi Syria

magaala Aleppo ayaa waxaa inta badan gacanta ku haaya Ciidamada Mucaaradka Syira waxaana Qeyb kamid ah Magaaladaasi ku sugan Ciidamada daacada u ah Madaxweynaha dalkaasi Syria Bishar al-asad oo isagu kasoo horjeeda in xilka madaxtinimo uu iska wareejiyo

Mucaaridka Syria ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay inay la wareegaan Airporka Militariga ee ku yaal magaaladaasi waxa ayna iminka Ciidamada Bishaar Hub cul-culus ku garaacayan Garoonka Millitariga si halkaasi ay uga saaran Mucaaradka qansaday.

Jawiga Magaaladda Aleppo ayaa ah mid iminka kacsan waxaana hawada Magaaladaasi dul heehabay Diyaaradaha dagaalka Syria oo iyagu Madaafiic la beegsanaaya Garoonka ay gacanta ku dhigeen Mucaaradka

Ugu dambeyntii Bishaar al-asad ayaa isagu aaminsan in Kooxaha xagjirka Syria ay garab ka helaayan Israel oo iyagu kasoo horjeedo Maamulka Bishaar.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.