Tartan isboorti oo ay SYAO u furtay Dhalinyarada Magaalada Beledweyne (sawiro)

29

Tartanka isboorti ee ka furmay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka SYAO ee ka shaqeeya Arimaha Dhalinyarada Waxaana ka qeyb galaayay 8 kooxoo oo laga soo kala xulay 4-ta Xaafad ee magaalada Beledweyne.

Munaasabadii lagu furaayay tartanka oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socday maamulka Gobolka Hiiraan, Saraakiisha Amisom ee Ciidamada Jabuuti, Saraakiisha Ciidamada dowlada, Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo qeybaha Bulshada ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta Lamagalaay ee Magaalada Beledweyn.

Garoonka ay ciyaarta ka bilaabatay ee lamagalaay ayaa waxaa soo buux dhaafiyay taageerayaal isugu jiray rag iyo dumar kuwaasi oo si aad ah ugu hamuun qabay in tartan isboorti oo nuucaan ah loo qabto.

Intii ay ciyaarta soconeysay ayaa waxaa sacab iyo mashxarad isku daraayay taageerayaasha iyadoo ay mas’uuliyiintii kasoo qeyb gashay ay farxad muujinayeen.

Madaxa Gobolada Dhexe ee SYAO Ahmed Caato oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tartankan uu qeyb ka yahay barnamijyada wacyigalineed ee uu ururrka SYAO ka wado Gobolka hiiraan.

Duqa magaalada Beledweyn oo kalmado guubaabin ah ka jeediyay furitaanka tartanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in SYAO si aad ah loogu mahad celiyo, waxa uuna ka dalbaday madaxda SYAO iney Barnamijyada Gobolka Badiyaan.

Dhamaan Siyaasiyiintii, Saraakiishii, Aqoonyahanadii iyo Martidii kasoo qeyb gashay furitaanka ciyaaraha ayaa uga mahad celiyay SYAO howlaha dhiirigalinta ah oo ay sida is daba jooga ah uga wado gobolka Hiiraan.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu si habsami leh uga socdo garoonka kubada Cagta lamagalaay tartankan maanta furmay.










Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.