Weerar bam ah oo lagu qaaday maqaayad ku taal galbeedka Beledweyne

47

Hal ruux ayaa ku dhintay laba kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax loo adeegsaday bamka gacanta lagu tuuro lagu weeraray goob maqaayad ah oo ku taal magaalada Beledweyne.

Qaraxan ayaa waxaa uu ahaa mid lala beegsaday qaar ka mid ah ciidamada amniga degmada Beledweyne iyo dad rayid ah, hase yeeshee mid kamid ah ciidamada amniga ayaa waxaa uu ku dhaawacmay weerarkan bam gacmeedka ah.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca nabadgalyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Cismaan C/dalla Inji ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen qofkii bamka tuuray goobta maqaaxida ah.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa tagay oo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka gob ollka Hiiraan iyo AMISOM oo saldhig ku leh goob aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay iyagoo baaritaan ku sameeyay halka uu qaraxu ka dhacay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.