Askari ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu dilay Mandheera

34

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheere ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubaysan ay toogteen askari ka tirsan ciidamada Kenya .

Dilka askariga ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw xero milateri oo ay ciidanka Kenya ku leeyihiin degmada Mandheera oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in dilka askariga ay ka dambeeyeen kooxo hubaysan kuwaasi oo ka qaatay qoriga uu watay kadibna halkaasi uga tagay meydka askariga.

Waxaa iminka socda baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay dilka in gacanta lagu soo dhigo iyadoo ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Kenya ay halkaasi ka wadaan baaritaano kala duwan.

Magaalooyinka Mandheera iyo Gaarisa ayaa waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo geysto ciidamada Kenya ee ku sugan halkaasi iyadoo aan la qaban dadka geysta dilalka.

Illaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay inay ka dambaysay dilka askarigan. Hase yeeshee waxaa hore loogu eedeeyey ururka Alshabaab inuu ka dambeeyo dilalka ka dhaca deegaanadaas.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.