Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaliya oo u hanjabay Ciidmada Dowlada Soomaaliya

35

Taliyaha gaaska labaad ee ciidamda dowladda Soomaaliya, Jen. C/llaahi Cali Cagey ayaa ka hadlay isbaarooyin la sheegay in ay ciidamada dowlada dhigtaan wadada isku xirta sheegay Muqdisho iyo Afgooye.

Gen. Cagey ayaa sheegay in waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay ka socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo in jidkaas ay shacabku ku maraan si nabadgalyo ah oo aan mar dambe lagu dhicin dadka shacabka ah,

Taliyaha gaaska labaad ee ciidamada General Cagey: “Waa la toogan doonaa askarigii lagu arko isagoo dhiganaya isbaaro,” ayuu yiri Jen. Cagey.

Shacabka ku nool degmada Afgooye ayaa soo dhoweeyay warkan ka soo baxay General Cagey waxayna dadka ku nool degmada Afgooye dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka cabanayeen dhibaatooyin ay ku hayaan rag ku labisan dareeska ciidamada oo dhac u geysta dadka saaran gaadiidka isaga goosha magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Idale News muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.