Saraakiisha ciidamada Puntland oo sheegtay in ay sii kordhinayan howlgallada ka dhanka ah Argagixisada

48

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegay inay labalaabayaan howlagalada lagula dagaalamayo argagixisada islamarkaana uusan qalqal gelin doonin  weerarkii naftii halignimo ee shalay ka dhacay waqooyiga magaalada Galkacyo.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska ee maamulka Puntland Muxudiin Axmed Muuse oo isugu shalay ka badbaaday fal ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu qaarijiyo,  ayaa shir jaraa’iid oo uu shalay gelinkii dambe ku qabtay magaalada Gaalkacyo ku sheegay ineysan istaagidoonin howlgallada ay ciidamada Puntland kula dagaalamayaan argagixisada.

Muxudiin Axmed Muuse ayaa ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad,  isagoo sheegay in falkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday ay ka badbaadeen isaga iyo ciidamadiisa,  wuxuuna wacad ku maray in ay sii kordhin doonaan howlgallada ay kula dagaalamayaan argagixisada.

Xaalada waqooyiga magaalda Gaalkacyo ayaa saaka degan,  inkastoo ay socdaan howlgalo ay ciidamada ammaanku ka wadaan magaaladaasi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.