Midowga Yurub oo ka fakaraaya Istiraatiijiyada Somalia

47

Midowga Yurub ayaa sheegay in xilligaani ay ka fakirayan sidii Somalia ay uga gudbi lahay dhibaatooyinkii 21-sano ku soo habsaday, iyo Istiraatijiyada ay yeelan doonto Somalia

Madaxweynaha  Golaha Yurub Mr Herman Van Rompuy oo ka hadlaayay Shir ay uga arinsanaayen amaanka iyo horumarka Somalia sheegay in Golaga Midowga looga baahanyahay inay ka tashtaan Istiraatijiyada Somalia waxa uuna sheegay in Somalia ay u baahantahay in laga dhiso dhanka Siyaasadda,Dhaqaalaha,amaanka, taasina iminka ay ku howlan yihiin Dowlado ay kamid tahay Mareykan iyo Britain sida uu ka sheegay shirka Mr Herman

Sidoo kale Mr Herman Van Rompuy madaxa Ururka ayaa caalamka gaar ahaan inta daneysa Somalia ugu baaqay inay ka arinsadaan ka qaadista Xayiraada Hubka, waxa uuna sheegay inay jiraan Dowlado fangareynaaya Argagixisada Somalia kuwaasoo la la xiriirinaaya inay ka soo horjeedan Nabad ka dhalato Dalka Somalia ayuu yiri Herman

Sidoo kale kulanka Golaha ayaa looga hadlay in Somalia xilligaani ay saarantahay wadadii saxda ahayd balse loo baahanyahay in la mideeyo Siyaasiyiinta Somalia gaar ahaan kuwa kasoo kala jeeda Somaliland,Buntland iyo kuwa iminka haaya Xukuumadda Somalia oo uu hoggaaminaayo Madaxweyne Xassan Sheikh

Kulanka oo ahaa mid Golaha Midowga Yurub ay uga arinsanaayen Kaalinta kaga aadan Ururka Somalia ayaa waxaa diirada lagu saaray xalinta Khilaafaadka Maamul goboleedyada iyo Xayiraada hubka halka sidoo kale looga hadlay kulankaasi Kobcinta Siyaasadad,dhaqaalaha,amaanka waxa uuna kulanka kusoo idlaaday Qodobo ku meel-gaar u ahaan doona Golaha inta ay mar kale isugu soo laabanaayan Kulanka oo ahaan doona mid sii socon doona.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.