Laba wiil oo Soomaali ah oo laga yaabo inay ku guuleystaan abaalmarinta ugu weyn oo laga bixiyo xaga filimada(Daawo Muuqaal+Warbiixn)

56

Labadan wiil oo isla dhashay, laguna kala magacaabo Haaruun iyo Maxamed waxa ay tahay in ay dhawaan u safraan dalka Maraykanka si ay usoo qaataan abaalmarinta Oscar loo yaqaano ee aflaanta kadib markii filim ay Cape Town ku jireen loo xushey midka ugu wanaagsan.

[vsw id=”VrLKldkxywQ” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Wiilashani oo 12 jir iyo 14 kala ah oo qoyskooda u guurey Koonfur Afrika sanadkii 2004tii ayaa jiley filim lagu magacaabo Asad oo ay ku matalayaan nolosha ilmo yar gudaha Soomaaliya.

Haatan baasaboorkii ay ku safri lahaayeen ayaysan heysan, iyada oo uu ka dhacayo sharciga qaxootinimo ee ay halkaasi ku joogaan.

Rafiiq Shamsudiin waa soosaaraha filimka, waxa uu sheegey in dhawr jeer uu ku laabtay xafiiska Home Affair-ka ee qaabilsan bixinta waraaqaha socdaalka, balse ay wali wax u qaban la’yihiin.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.