Ciidama Police Iyo Dhar Cad ah Oo La Wareegay Amaanka Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika

48

Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika iyo ciidamada Booliska dalkaasi ayaa bilaabay howlgalo ku aadan sidii loo badbaadinlahaa ganacsatada Soomalida ah iyo hantidooda.

Soomaalida ku dhaqan wadanka koofurta Afrika  oo u badan Ganacsato ayaa waayahan waday dadaal ay ku doonayaan in ay ku badbaadiyaan hantida u  taalla waddankaasi,  waxa ayna billaabeen howlgallo ay isaga difaacayaan weerarka burcadda,  iyaga oo kaashanaya ciidammada Booliska oo laba qeybood ah.

Maxamed Xuseen oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka South Africa ku nool ayaa sheegay in holwgalkan uu yahay mid lagu badbaadinayo hantida ganacsata,  sidaas darteedna ay wada shaqeyn doonaan Soomaalida iyo Booliska.

Mar kale Maxamed Xuseen ayaa sharraxay qaabka uu u dhacayo howlgalka,  isaga oo tilmaamay  in Booliska ay wada shaqeynayaan iyagoo dharcad ah, si ay uga hortagaan iskudayada burcadda,  kaddibna laga caabiyo xarumaha ay weerarka ku soo qaadeen.

Ugu dambeyntii waxa uu walaac ka muujiyay in Bishan oo kale kooxa burcadda xabsiyada laga soo daayo, hasa ahaatee iyaga ay sii wadayaan howlgallada ay ku badbaadsanayaan hantitooda, isla markaana ay sii wada sahqeyn doonaan Booliska dhar cadka ah.

waa qorshe cusub oo ay Soomaalida ku wada heshiiyeen hey’adaha ammaanka waddanka Africa Koonfureed, si ay uga nabad galaan weerarradii ay ku soo qaadi jireen burcadda inta badan dhibaateysa Soomaalida Ganacsiga ku leh waddankaasi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.