Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Socdaal Ku Maraya Degmooyinka Gobolka Shabeelada Dhexe

31

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal ku maraya degmooyinka gobolka Shabeelada Dhexe ee ku jira gacanta Dowladda Soomaaliya.

Mudaneyaashan ka tirsan Baarlamaanka ayaa socdaalkooda waxey ka bilaabeen maanta oo isniin ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe ayadoo halkaasina si heer sare ah loogu soo dhaweeyey.

Kulanka soo dhaweynta ah ee loo sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka waxaa ka soo qeybgalay Culumaa’udiin,Waxgarad,Odayaal Dhaqameed, Siyaasiyiin, Saraakiisha Ciidammada,mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Balcad oo iyagu si aad ah ugu faraxsan iney degmadaasi booqdaan xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Shabeelada Dhexe.

Gudoomiyaha maamulka degmada Balcad Mudane Cismaan Maxamed Xaadoole oo khudbad ka jeediyey munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayey Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa tilmaamay in maamulkiisa iyo shacabka ku dhaqan degmada Balcad ay si aad ah ugu faraxsanyihiin socdaalka ay Xildhibaannada ugu yimaadeen.

Xildhibaan Nuur Maxamed Xuseen oo ka mid ah Xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Shabeelada Dhexe oo khudbad ka jeediyey munaasabadda lagu soo dhaweynayey ayaa tilmaamay in ugu horeyn xildhibaannadu ay aad uga mahad celinayaan sida quruxda badan ee loosoo dhaweeyey waxaanna uu Xildhibaanku ku ammaanay sida ay maamulka iyo shacabka isaga kaashadeen ammaanka iyo hormarka degmada.

Sidoo kale Xidlhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) oo isaguna Munaasabadda khudbad ka jeediyey waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay isbedellada hormarineed ee ka jira degmada Balcad iyo deegaannada kale ee ku dhow waxaana uu Xildhibaanku xusay iney kulammo kala gedisan la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Shabeelada Dhexe si’ay u ogaadaan baahidooda islamarkaana ay ugu gudbiyaan Dowladda dhexe si buu yiri wax looga qabto.

Socdaalka ay Xildhibaannadan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku marayeen degmooyinka gobolka Shabeelada Dhexe ayaa qeyb ka ah socdaal guud oo ay gobollada dalka ku kala marayaan Xildhibaannada Baarlamaanka ayadoo talaabadaasina ay qeyb ka tahay istiraatiijiyadda uu Gudoonka Baarlamaanku u dejiyey Xildhibaannada ayadoo xildhibaan walba laga doonayo in inta uu Baarlamaanku fasaxa ku jiro ay tagaan deegaannada ay kasoo jeedaan si baahida ka jirta loogusoo gudbiyo Dowladda deetana wax looga qabto.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.