Ururka Alshabaab oo sheegtay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo

50

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay qarax ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday saldhiga booliska magaalada Gaalkacyo.

Bogga ururka Alshabaab uu ku leeyahay Twitterka oo dhowaan markale hawada soo galay kadib markii la xayiray ayaa maanta lagu daabacay in weerarka ismiidaaminta ahaa ay ka dambeeyeen ururka Alshabaab.

Weerarkan ayaa waxaa ay ururka Alshabaab ku sheegeen in ay ku dileen lix kamid ah ciidamada booliska magaalada Gaalkacyo ayna ku dhaawceen siddeed kale.

G/sare Jaamac Maxamed Axmed oo ah taliyaha Booliska Puntland ee gobolka Mudug ayaa sheegay in 14 ruux ay ku dhaawacmeen qaraxan iyadoo sagaal ka mid ahna ay ahaayeen ciidamo boolis ah halka shanta kalana ay ahaayeen dad rayid ah.

Qaraxan ayaa waxaa cambaareeyey dowlada Soomaaliya iyadoo R/wasaare Saacid uu ku tilmaamay qaraxan mid fuleynimo ah muujinayana awood yarida ururka Alshabaab.

Ismiidaninta ayaa lagu beegsaday taliye ku xigeenka booliska Puntland Gen Muxidiin Axmed Muuse, waxaana la soo sheegayaa in xaalada caafimaad ee generalka aya wanaagsan tahay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.